April 24th, 2008
26-10-2006

HEESTA GAMALEYDA DUMAR OO UU KU LUQEEYO FANAANKA WEYN EE CUMAR DHUULE CALI



Maxamed Axmed C/le E-mail:afkaxaaji10@hotmail.com
Waxaan maata idiin soo tebineynaa heesta uu ku luuqeyo Alla ha u raxariistee Fanaanka Cumar Dhuule Cali oo ka tarjumeysa Jacayl,

wuxuuna heetaas u qaadayu xaskiisa oo xilligaa maseyr waalan uu asiibay isaguna uu mar waliba qancinayay, heestanina waxay ka mid tahay heesaha uu Xaaskiisa u qaadi jiran markii uu rabo in uu qancinayay, waxayna heestu ku bilaabaneysaa sida tan:

Gambaleyda Dumar
Gacaloy adigaa iga gaar ahee
Waan kuu go’oo
Guur uma fahiyo, iyo gogol kale

Talo gooniyoo
Kuu gaar ah baad
ii goosatee
Waxaad gashaa nabsigu gudaa
anba kuu gartee

Gardariyo xumaan
gacaloy anigaa kuu geystayee
Waan kuu gefoo
Iga aargudoo
Nafta iga goo

Ha I geynin gol
Nacab ii guntani
Igu gubi karee
Miyaan geli dhawaan
Godka aakhiroo galab loo hoyaa

4.5 / 5 (26 Votes)





FAALLO

SUUGAAN