April 24th, 2008
30-10-2006

ISBEDELKA DALKA IYO DAGAALKA DHINACA SUUGAANTA



Xaalada waliba oo soo kororta Dalkeena waxay la tilmaadaan kala fikir duwanaansho dadku qof iyo qolabo si gaar ah u fasirto, Soomaaliduna waxay caan ku tahay inay Suugaanta ku cabirto wixii maankeeda ku jira, mararka qaarkood Mowduuca laga hadlayo iyo dadka Suugaanta ku dhiibinaya fikirkooda oo bata waxay keentaa inay ka dhalato Silsilad suugaaneed xiiso gaar ah yeesha oo kaliya maaha dood iyo ereyo mutaxan ee laga faa’deysto hodontiimada murtida Soomaalida iyo afka Hooyo.

Abwaan Abshir Faarax {Abshir Bacadle} wuxuu caan ku yahay suugaanta xiliyadan dambe isagoo dhinaca kooxaha Diimeedna kuxel dheer ilaa ay Warbaahinta qaarkeed ku tilmaantay Abwaanka Wahaabiyadda, wuxuuna kudhow yahay inuu qarxiya Bam Suugaaneedkii ugu xiisaha badnaa dhawaanahan markii suugaan “B” ku socota uu ku tageeray isbedelka ka dhacay Caasimada Muqdisho iyo waxa ay qabteen Maxkamadaha islaamiga, waxa jawaab xiiso leh sugaaantii Abshir Bacadle ka bixiyay abwaan aan ka  dheereyn oo isla Caasimada Muqdisho la jooga inkastoo meesha waxa lagu soo bandhiga ay tahay Yurub iyo Website-yo.

Abwaan Abshir Bacadle oo int tixdiisii lagu raftay oo Badda raaciyay ay la noqotay ayaa isna jawaab deg deg ah bixiyay

BILOWGII ABSHIR  BACADLE
Sidii Bahalki loo diley,
Burcadina u yaaceen,
Baandadii Talyaaniga,
Iyo Burtaqiiskiina u qaxey,
Boogtiina loo dhayey,
Baraskiina loo gubay,
Baledkaani waa nabad,
Jidku waa baraxan yahey,
Balaayo iyo Baas ma leh,
Safar baad ka qaad male,
Baabuur la dhaco ma leh,
Baadda iska dhiib ma leh,
Barmuuduu jiraa ma leh,
Iyo Buurkii Diikow,
Afarta daay ka baar ma leh,
Seybiyaano gey ma leh,
Moobeelka bixi ma leh,
Bowdyaha ka jabi ma leh,
Bogadi soo qafaal ma leh,
Beesada ka qaad ma leh,
Wadaad beecintiis ma leh,
Gabdho buurashadii ma leh,
Isbaaro iyo Tuug ma leh,
Leejo iyo baad ma leh,
Baatigiyo suudkaba,
Bowdkaan  jy warabaa,
Gurigu waa balaqen yahay,
Banaankaa la seexdaa,
Beel-Beel ku duushiyo,
Hoogey iyo ba’ay ma leh,
Boqorkaana mahadda leh,
Bacdigina Maxkamadaha,
Iyo shacabkii soo baxey

JAWAABTII MAHDI YUUSUF
MAXAMED {BURAALE
Abshiro burhaantiyo,
Bishaarooyinkaadii,
Kheyraadkiyo barwaaqada,
Ba’da aad ku sheegtoo,
Tiri waan baraarnoo,
Beledkaani waa nabad,
Bayaankaadi aragnoo,
Waan bogaadineynaa,
Bulshaduna ideylkeed,
Manta bidix u sooh iyo,
Set bursiga halaga jiro,
Adna baas qarsoon iyo,
Bela laga xijaabyoow,
Kolkuu shacabku soo baxay,
Bahweynteed la hadashoo,
Baaruuddad rideysoo,
Bushimahaad ka dirirtoo,
Balaaqiyo aftahannimo,
Bilan maanso qurx badan,
Waa taad ula bareedhoo,
Waxa laga baqaayaa,
{qabqablaysaasha}
inaaney siiba buurneyn,
Oo ay baabul weer tahay,
Waa adigii ku baaqoo,
Libtu baaqan meysee,
Barkaadaad ku leedahay,
Hadaadse baad macaan iyo,
Bari iyo leg daaqdee,
Berya samo ku nooshahay,
Ogow deriska baahani,
Berri iyo qiyaamaha,
Belo iyo cadaab iyo,
Inuu yahay ba’ iyo hoog,
Dad aan wali boogsoon oo,
Boogti ay ku taaloo,
Bahalkii cunaa jira,
Birtuna saarantahay wali,
Adaa begedi sheegaye,
Abajibilka barakacay,
Talyaaniga bil laawaha,
Ragi beerka kala jaray,
Biyamaal maxaa helay?
In bardiiraley iyo,
Baraxley la weeraro,
Ceelashii biyaha iyo,
Bariiriyo afgooyiyo,
Marka iyo baraawiyo,
Buulo iyo shalaanbood,
Biiqan tahay isbaaradu,
Walina ay baraxan tahay,
Burcaduna ku badan tahay,
Oo boorsooyinka waaweyn,
Wali baaddi lagu guro,
Xaqina baadil loo rogay,
Dadku taa ka boodsane,
Waaba boqol tallaabee,
Barbar heysu raacdee,
Maxaa looga baaqsaday,
Basar kale miyaa jira,
Yaraha boodadeyntaan,
In waxa laga bayaaniyo,
Miyaaney banaaneyn?

JAWAABTII ABSHIR BACADLE
Mahdiyow bishaaree,
Baaskii tegeyna sheeg,
Buurihii la jebiyana,
Ha baqine tahniyadee,
Boqol bilowgi waa koow,
Berrina waan kordhinayaa,
Haddii boqorku saamaxo,
Biyamaalkaad sheegtiyo,
Bagadiyo abaa- jibil,
Xamar waa ka buuxaan,
Beeciina laga daa,
Taasi wa bilowgii,
Bilqantii isbaarada,
Iyo beeraha la heystana,
Bil iyo toban cisho I dhowr,
Haddii boqorku saamaxo,
Babul- lihiyo Weerkii,
Ba’da aad ku sheegtana,
Waa kaa bariiqdaye,
Obolojeeska soo bixi,
Kumaad beegin marinkii,
Iyo booskii lala rabay,
Gabaygii Bishaaroo,
Dadku ay u bageenoo,
Ii soo bogaadsheen,
Oo qalbigii ku baskooday,
Oo dunidoo dhan ku baahay,
Iyo maraakiib badda jiiftoo,
Wiishka dheer babineysoo,
i- shii bugtooy ku bukaacso,
Shacabku ay u baxsheen,
Oo Cadowgii beerka wareemay,
Tigreediina bashkaaxay,
Oo Ay- roboorkii la buuxshay,
Oo Bukunkii Daallo la waayay,
Oo Dalxiiska boorsada weyni,
Birigiiyo  badiiba,
Ay ku bardoodamayan,
Oo hoteeladeeni la buuxshay,
oo Baabuurtii Cadcadeyd,
iyo ubax leysugu baaqay,
oo leysku boobay salaanta,
oo Tigreegu beerku xanuunay,
iyo baha wadaagtii Ibliiska,
intii baada cuneysay,
iyo baas abuurada mooye,
Abtow leyguma beenin,
Gabaygeygii bishaaro,
Mid kalaanse ku baanay,
Baraxleyda la aaday,
Nin-baan baacsanayee,
Buugaba nooguma oolin,
Birta taala Afgooy iyo,
Marka baalaheediyo,
Mudul iyo Baraawiyo,
Dan- wadaagahaa bilan,
Balan horena waa jiray,
Baha wadaagna waan naha,
Beryo aanu siganeey,
Cadowga naga bashkaxee,
Buur-beyna jebiyeen,
ALLESE, Booli ma ogola,
Ana kuma bogaadiyo,
Mahdise biid namuu tarin,
Gabaygii bishaarana,
Noomuu bogaadine,
Bedelbuu ku muujiyay,
Boholuu u dayayaa,
Marna wuu bogaadiyay,
Marna baas abuur iyo,
Beel buu ku godayaa,
Afkase kuma balaarine,
Tii horoow barwaaqaa,

Waxa diyaariyey: Maxamed Axmed Cabdalla.
Email: afkaxaaji10@hotmail.com

 
4.5 / 5 (8 Votes)





FAALLO

SUUGAAN