Gabaygii ragbaa igu qabsaday maansadaan qoraye
Way igu qilaafeen badhkood qaladna lay saarye
Qawlkaygi hoos looma deyin qoonsina i raacye
Qosol bay u qaateen tixaan meesha aan qabane
Qalinkiyo waraaqdaan ku qoray iga qasaarowye
Anuun baa qalbi adaygayee quusay khayrkaye
Qoomiyad haday leeyihiin ima qilaafeene
Qaran dumay qasaaraha dhaciyo qoomamada joogta
Markii ay iskala qaybisaa qaamudkeed galaya
Qoloqolo markay sheegatee qoysba meel aaday
Ilaah baa qaderey jaamacow qaabadaan nahaye
Qader eebe mooyee ma jiro ceel inoo qodane
Dunidii ragbaa qaytayoo waa la qaybsadaye
Quruumaha hayaamaaya ee samada qoondaystay
Ee qamar sanaaciga watiyo qalabka aad yaabto
Qoraxdiyo dayaxa dhaafay waa idinka qayrkiine
Qasdigiyo waxay doonayaan qaramadaa guuray
Waxa adiga kaa qariyayee qoobad kugu ooday
Qaangaadh la noqon weydayee taladi kaa qaaday
Ee nabadi kaa qariyayee kuu qadhaadheeyey
Waa qaran qabiil lagu dhex wadey taniyo qaabiile
Waa qaran qalooc uu ka galay qaabki nololeede
Waa qaran ninkii qori wataa qaadi uu noqone
Waa qaran walaalkii nin qalay sharaf ku qaataaye
Waa qaran qumane been aan jirin qoorta loo sudhaye
Ummad aan wax kala qaadanoo kala qaloonaysa
Qayrkood inay haybsadaan ama la qoobqaado
Ama ay qasaaraha ku dhacay qun uga soo doogto
Hadaan eebaheen qiil u bixin qaadir way saga’e
Qol qolada inay yuururtoo quudhsina u raaco
Oo ay qabbaan wada noqdaan waa wax loo qoraye
Caro edeg xagaan qabanaynaa qaran jab weeyaane
Afartaa qa’da intaan ka deyey qadafka maw diidey
Ma qotomiyey suugaanta way kala qaloocshaane
Caawana qisoba waa qisee qodob kalaan sheegay
Qotidaan idiin sheegay iyo oromadaa qaawan
Xabashibaa dhulkeenii qabsaday qaxar la’aaneede
Duhur bay qafaalaan ninkaan qoorta soo dhigane
Qusur bay cagaha ugu ridaan qodaxi taalaaye
Qushi bay u laayaan ciyaar qac iyo baaruude
Qareen iyo tol kii moodayow qoomamaa xigiye
Qubuuraha intay wiil dhigeen waa qor kaa maqane
Qarqarsiga lagula maagan yahay qawlal iyo jeedal
Qayrkii nin loo xiirayow qoyso baa xigiye
Doqon baa qab meel loo dhigaa loo qarshaa dabine
Idinkuna god laydiin qodoo qabar ka hooseeyo
Booraan afkii laga qarshaad qaw ka lulataane
Marka nabadu qiilqiil gashee talo qadhaadhaato
Qushuuciyo ragii lagu yiqiin qiiradiyo dhiiga
Qabri iyo dhul hoosay jiraan kuna qarsoonyiine
Qaaraha kuwii sidan jiriyo gudinta qoolaaban
Qabqabliyo afyuub baysu hadhay caada qaata’ahe
Qalin shubato weeyaan dhamaan ceebi qabanayne
Qalbigaa engegay oo ma jiro ciday qaderiyaane
Qawlaysatay wada noqdeen qaatil iyo tuuge
Qadhiidh bay ka doorteen dhulkii gacantu qaadaaye
Qaad qaad ninkii aan aqoon qawlalada buuxso
Qabsin tuugo lagu naaxiyey iyo qaaqle mooyaane
Qoris maris ninkii aan ahayn qado la siin waaye
Haday noloshu beri qiimoleyd qaayo iyo haybad
Afartaa qar iyo geeskastaba waynagaa qubane
Meeshii in lays qaado iyo qaabil lagu sheego
Qaraamaad halkii lagu tuhmaa lagu qamaamaaye
Qarafaysi mooyee wax kale kuma qancaayaane
Qoxootiga ninkii yurub u tegey qaali noo noqoye
Caro edeg xagaan qabanaynaa qaran jab weeyaane
Afartaa qa’da intaan ka deyey qadafka maw diiday
Ma qotomiyey suugaanta way kala qaloocshaane
Caawana qisoba waa qisee qodob kalaan sheegay
Qurbe nacas waqtiga kugu qabsada waad qayirantaaye
Qayrkaa ma raacdide cidlada waad qaracantaaye
Qiimihiyo sharaftaad lahayd qab iyo maamuusba
Qunyar baad ku weydaa ciyaar waa nin soo qaxaye
Qalad kuuma waayaan gartay kugu qaloocshaane
Qaan sheegashay kugu dilaan deyn adoon qabine
Qariibaad dareentaa markay qodobo sheegaane
Qawlkaad la maagtaa naftaad qawlal gelisaaye
Adigoo qalqaali u dhashaad qalabka tuurtaaye
Quwadiyo itaalkaad lahayd waa la qariyaaye
Qoof baad ka qaadaa cabsiyo inaad qalootaaye
Qunyar baad dhaqaaqdaa si aan eedi kuu qabane
Qaniinyaad dibnaha goosataa qoorta rogataaye
Qalablaha cidlada meerayee qulubka luudaaya
Ama uu waqtigu qaawiyee quusta wada jooga
Ama qiil u bixi waayayee qaanac socon waayey
Ama maanta wuxu qabankariyo aan qorshaba haynin
Qadoodigiyo baahida ragaa sabarku qaansoobey
Ee wada qonbobay gaajadee laydhu qaadayso
Ee inay qafiifaan ku dhow qaxarka soo gaadhay
Qalbigay xanuunsada markay qoorta marayaane
Nin qadaadka soo xiirta oo timaha soo qoysta
Qasil iyo huruudaystayoo ceebi qabanaynin
Oo magacyo aad qoonsatoo wada qalaad sheegta
Oo dhaqanki qaaliga ahaa badawnimo u qaatay
Oo jaahilnimo qaadayoo qabada mooyaane
Qalanbaawi nimankii ahaa ama qamaamuurta
Qabow baa ku dilay meel cidla ah baalki baa qoyaye
Qiiray la luudaan dhamaan qanac daraadiiye
Qarni baa sidaa kaaga tegey qaabadaad tahaye
Qaldaney naftaydaay aduun qaalo bixiwaaye
Qarowgiyo ku noolow riyada tii alaa qorane
Qurbe nacas wixii kaa qabsaday qari cid haw sheegin
omane24@yahoo.com
suleiman-jama@hotmail.com