Afarraydaan waxaan ku muujinayaa dhibaatada qabyaaladdu inoo geysatay iyo sidaan qaran iyo qabyaalad meel u wada geli karin. Maaddaama dadkeenna in badan oo ka mid ahi aysan suugaanta aad u fahmin ama waqti u hayn ay kaga bogtaan ayaan waxaan go’aansaday in aan hakiyo gabayadii dhaadheeraa iyo geeraaradii aan tirin jiray. Waxaan soo saari doonaa ama idiin soo gudbin doonaa haddii Eebbe idmo gabayo gaagaaban “Afarraydii Nabaddoon” oo hadba qaddiyad ama arrin muhiim ah aan uga maansoonayo
Dugsi male qabyaaladi abwaan qiiralaa yidhiye
Qanjidh weeye aan laga bogsooniyo qabatin sheydaane
Waa qudhun uraayoo dadkeen quud ka dayayaane
Qarniyaal dhan baa nooga lumay qaybta reer hebele
Adduunyada qaxootaan ku nahay laga qisoodaaye
Qiyaamana waxaan eersannaa waa qabyaaladda’e
Qora oo xafida waanadaan qalin ku meeleeya
“Intaad qoomamaysaan dadoow qolo ka waantooba
Oo qaran qabyaaladi hagtaa waa qardhoodhabo’e
Qof waliba waxuu galo waxuu gudo qiimo ugu yeela”
Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com