Su'aal: Maxuu yahay xukumka qofkii awoodi waayo inuu ku tukado salaada waqtigeeda, Gaar ahaan marka waqtiyada salaadaha isa saaran yihiin oo markaa qofka haddii uu shaqo ama waxbdarasho ama bas raacaba ay halis u tahay in salaaddii kale dhaafto?
Jawaab: Sheekh Qaradaawi waxuu leeyahay asaga oo ka jawaabayo su'aashan si guud ahaaneed: Qofkii awoodi waayo inuu guto salaadda waqtigeeda arrin qabsatay darteed, waxaa jiro xal sharci oo xallinayo mushkiladdaas oo ah xadiis laga wariyay Ibnu Cabbas oo saxiixul-muslimka ku soo arooray oo leh (Nabiga swc waxuu kulmiyay Duhurka iyo Casirka, waxaa kaloo uu kulmiyay Magribka iyo Cishaha asaga oo joogo Madiina, safarna aan aheyn Roobna uusan da'eyn) Riwaayad kalana waxeey leedahay ( Cabsi iyo safar midno aysan jirin) Ibnu Cabbaas ayaa la weeydiiyay waxa uu Suubanuhu arinkaa ula jeeday? Marka ayuu yiri: waxuu ula jeeday inuu ummaddiisa dhibka ka qaado.
Waxaa u bannaan qofka haddii Salaadda Cishaha ay dib u dhaceeyso xilliga kuleeylaha in Cishaha qofka soo hormarsado oo uu la tukado salaada Magribka. Sidoo kale Xilliga qaboobaha oo ay salaadda Duhurka iyo Casirka ay aad isugu dhawaanayaan waxaa u bannaan qofka in Casirka la tukado Duhurka asaga oo casirka soo hormarinayo, waxaa kaloo uu yeeli karaa in Duhurka dib u dhigto oo uu la tukado Casirka hadba marka qofka sidii u sahlan. Sidaan oo kale waxaa mas'alada u fatwooday imaam Ahmed Allaha u naxariistee.
Ibnu Siirin oo kamid ah taabiciyiinta waxuu leeyahay isna: cariiri kasta, dhib walba iyo dan walba qofka wuu kulmin karaa laba salaadood.
Isha Qoraaka: Islamonline.net