April 24th, 2008
21-10-2006

Xaasuuqa ka dhacaya aduunka waxaa sababay Gumeystayeeshii reer waalnaa



Ibraahim Cabdi Abiikar E-mail: geele2003@hotmail.com
Bilowgii Aadamiga uu ilaahay ku dul abuuray aduunyadan, waxaa is badal dhankastaba ah uu ku dhacayey dadka uu ilaahay ku abuurtay Koonkan dushiisa ee loogu tala galay in ay asaga caabudaan.

Inkasta oo uu Aadanuhu si weyn, oo la fahmi karo u tiro batay, asagoo kala midab ah, kala dhaqan ah, hadana uu noqday mid kala Diin ah, taasoo ay ku kala qeybsameen dabeecadaha iyo bay’ada ay ku jireen ilaa iyo farac ahaan. Inkasta oo ay Diintu tahay wax xag ilaahay ka yimid oo aysan aheyn dabeecad, hadana qaadashadeeda ay ku xirneyd sida hadba ay isku diidan yihiin in dad ay u arkaan daciif uu wax ugu sheegi karo, ayagoo ku faanaya dhaqaalo ama mansab ay taagen yihiin, taasoo ay dadyowga ku dhaqmi jirey dabeecadahaasi qalafsan.

Diimaha marka laga hadlo waxaa sax ah in dadka islaamka ah, ay yihiin dadka ugu maskaxda furan dadyowga ku nool aduunka, ee aan diinta laheyn amaba aan diinta islaamka heysan, dadkaasi waxay ahaan jireen dad ku sheqeeya dabeecadaha caadiga ah ee hab dhaqanka Aadamigu ogol yahay, taasoo ay isku sixi jireen, ayagoo marba wixii sax la ah sameyn jirey, si ay nabad ugu wada noolaadaan, mana jirin wax asal ah oo loo laabto, oo diin ah ama aan wax aan la badli karin.

Waxaa ay og yihiin dadka islaamka ah in ay soo mareen aduunkani Rusuul fara badan, kuwaasoo ilaahay ugu tala galay in ay xaqa gaarsiiyaan, ayna tusaaleeyaan in abuurkan aduunka uu leeyahay ilaahay, oo uusan ku dhisneyn, maskax falsafaysan, oo hadba ku sheqeysa ninba waxaa uu asagu u arko in ay sax la tahay taasoo uu ka dhaadhicin jirey dadka kale si ay u qaataan fikirka uu doonayo in uu hirgalo.

Marka laga soot ago is badalka dheer ee uu Aadamigu sooyaal ahaan ahaa ju soo  jirey, hadana waxaa garab socday, horumar iyo ilbaxnimo ay ku kala horeeyeen, taasoo marba meel ku wareegi jirtay, ama dad inta ay ka faa’iideystaan dad ilbax ah, hadana sii hor mariyey, taasoo mararka qaar suuro galin jirtay, in ay wax badan ka hor maraan dadkii ay wax ka soo barteen, amaba dadkii asalka u ahaan hal abuurka ay wax badan ka caajisaan in ay la yimaadaan, wax yaalo cusub oo lagu keeno Iqtiraac ama in la sii hormariyo waxyaalihii ay asal ahaan ayagu la yimaadeen.

Isbadalka faa’iidada leh ee aduunka soo marey ama hada la joogo, amaba mida la gaari doono, waxaa uu keenay dhibaatooyin ku salaysan, is adoonsi, dil iyo waliba wax yaalo kale oo aduunka ka buurey, qas iyo jahawareer, aan horey loogu arki jirin aduunka aynu joogno.

Waxaa wax badan laga ogaan karayaa, marka aad sal ahaan u raacdo, dagaalka ku saleysan ilbaxnimada iyo sooyaalka beenta ah ee laga iibiyo aduunka, taasoo keentay in meesha laga saaro, xadaarado aad u badan oo facweyn ku leh aduunka, oo dhan, ayna suurto galisay hanaqaadka humarka aduunka uu sameynayey, taasoo ay ku kala tageen, dad badan oo aduunkan ku noolaa, ayna wali ku heshiin iyo in si xushmad leh la iskula joogo aduunkan.

Marka aan guda galo, ula jeedada saxda ah, ee maqaalka waxaa aad muhiin u ah in la daraaseeyo, qaabka maanta ay dunida wax iskaga badaleen. Waxaad arkeysaa in dhankastaba aduunkan ay wax iska badalayeen, nolosha, Bey’ada, dadka, iyo wax yaalo kale oo horey loogu aqoon jirey dunida aynu ku noolnahay.
Wax yaalaha naxdinta leh ee ka jira, waxaa la ogaran karaa in ay yihiin, is qiimeyn lah’aanta ka jirta maanta aduunka oo dhan, hadii lagu saleyn lahaa xadaarad ama wax yaalo kale oo badan, taasoo tusaale cad u ah, hormuudka dagaalada ka jira Dunidan.

Waxa dhabta ah ee maanta dunida ku abuuray Gajada dhibaatada, barakaca waxaa ugu weyn in dagaalka ay abuureen dowladaha reer galbeedka oo ah, dhab ahaan kuwo inta badan ka shaqeeya danaha ay doonayaan in ay u meel maraan aygoo u daadiya, dhiig fara badan, oo aan eegeynin nolosha uu leeyahay Ibnu Aadamka.

Xaqdarada saxda ah ee aan gambashada laheyn waxay tahay, in la sameeyey in dadku ay kala sareeyaan, taasoo qasab looga dhigayo, in ay arintaasi meel marto, ay u ahaato arin dhaqan ahaan ay u dhaxlaan jiilka soo koraya si ay ugu soo hana qaadaan, inay kala sareyn ay ka jirto aduunkan, taasoo ah waxyaalo qiyaali ah oo ay iska sameysteen, dadyow aan micno fiican ku laheyn aduunkan.

Waxaa lagu cadeyn karaa in dadka Islaamku yahay mid fur fur, qaabka uu u abuuray, is dhexgalka bulshada, waayadii ay aduunka ka talin jireen, sida ayagoo aanan marnaba ogoleyn in qof Aadami ah la wax yeeleeyo, kala sareyntuna ay aheyd wax aan meesha ku jirin, marka laga soot ago, dadka dagaalka lagu kala qabsado, oo la adoonsado, taasoo ah arin aduunkan caadi ka ah, laga ogol yahay, mar hadii uu jiro cadowtooyo, taasoo aan loo eegi karin xadaarad ama wax la mid ah.

Waxay ahaayeen dadka islaamka ah, kuwo xaqdhowr u sameeya dadka kale ee aan islaamka aheyn, eek u dhaqan dhulka ay ka taliyaan, taasoo ay dilijireen, waayadii hore dadka Masiixiyinta ah, ama dadyowga kale ee aan islaamka aheyn. Amaanka iyo tixgalinta Diimaha kala gadisan waxaa lagu yaqaaney Islaamka iyo waxyaabo badan oo looga deyday dowladihiin islaamiga ahaa ee isdaba xigey, kuwaasoo dhamaan ka mideysnaa tixgalinta Aadamiga ilaahay qalqay, iskana ilaalin jirey in wax loo dhimo.

Inkastoo dadka Islaamka ah hogaanadoodu ay yihiin ilmihii dhashii ay bar baariyeen qaar ka tirsan gumeysigii, abuuray digtetarnimada maanta ka jirta aduunka, hadana mustamaca  islaamka ma aysan lumin wada noolaasha aduunka ka dhaxeeya, marka aan sidaasi leeyahay mahan in aan ula jeedo, nolosha loo raadinayo reer galbeedka iyo qaab nololeedka lagu dagan yahay kaasoo markiisii hore laga soo min guuriyey dadka islaamka ah ee waxaan ula jeedaa  sida shacabka islaamkga ah ugu jawaabo, wax yaalaha ka soo baxaya xukuumadaha sida cadowtooyada ah ula macaamila dadka islaamka ah.

Maanta reer galbeedka waxay hormuud ka yihiin dhibaatada ka taagan aduunka taasoo keentay in uu dhaco xaalufin barakacin, iyo ayagoo sabab u noqday salka abaaraha ka dhacay aduunka oo dhan, taasoo ay ka abuureen colaado, aad u saameeyey, aduunka oo dhan, taasoo ay ku kaliftay dad badan oo aduuka ka mid ah in ay dhulkooda ka barakacaan, ayna noloshoodii iyo deegaankii ay daganaayeen in ka badan kumanaan qarni ay deganaan jireen.

Intaasi mahan dhibaatooyinka ay geystaan reer galbeedka waxay ku tijaabiyaan Hubka ay sameyntaan dadka si ay dhoolatus ugu sameeyaan, dowladdaha ay isku xooga yihiin, sida Hubka Nukliyeerka kaasoo gacansi too ah ka noqday aduunka.

Talaabooyinka ay qaadayaan dowladaha reer galbeedka ayaa waxay si cad kuu tusinayaan in maanta oo kaliya meesha ay joogaan ay la socdaan, ayna taasi  muujineyso in aysan fakir dheeri ah u lahayn, is badalka ku yimaada waqtiga iyo waayaha iyo waxay ahaan doonaan mustaqbalka aayatiinka dambe ee mushtamaca ay ka soo jeedaan, oo ay u abuuranayaan dhibaatooyin, raadkoodu aad u xumaan doono.

Ganacsiga Hubka iyo tijaabada lagu sameeyo dadka dunida ku nool ayaa ka dhigey aduunka oo dhan golaha Colaadaha iyo Abaaraha, iyo Gaajada, dhaxal ahaan ay u yeesheen dadyowga aduunka ku nool intooda badan.

Diidmada Hubka halista ah in ay sameystaan dowladaha aduunka intooda kale, iyo burburinta dowladaha iyo dad aan ayaga wax dhibaato ah ku heynin, ayaa ka mid ah waxyaabaha kacdoonka ka dhaliyey maanta. Dhibaatooyinkaasi waxaa sal u ah dilka loogeyto dadka islaamka ah oo ahaa kuwii markii hore laga soo gaaray horumarka iyo ilbaxnimada ka jirta aduunka taasoo ay hor mariyeen ayna ka faa’iideysteen, dowladda gaar ah laguna weeraray.

Xasuuqii loogeystay dadkii Madoobaa ee Afrika oo xusuus ku ah qaarada  Afrika, iyo dhibaatada maanta ay geysanayaan, reer galbeedku labaduba waxay tusinaysaa shacabka aduunka in ay yihiin reer galbeedku dad aan si weyn u fakirin, marka laga soo tago in ay colaadaha ka huriyaan dunida intiisa kale, ayaga oo aan u meel dayin, oo si xasuuq ah u laaya mushtamac meel dagan, kadib markii ay diidaan hadaladooda qalafsan.

Carabta oo ah meelaha ay ka soo ifbaxday Diinta Islaamka, ayaa ah meesha kaliya, ee islaamka laga wax yeeleeyo, ayadoo xukuumadaha ay yihiin ilmihii maskaxoodu ku soo barbaartay mala awaalka dowladdaha reer gabeedka.

Marka la soo hadal qaado dunida Carrabta,ama isbaheysiga Carrabta, waxaa u soo sawirmaya qofkasta oo aduunka jooga dad dhaqaalo badan heysta, oo aan warshado laheyn, wax tabar ahna ku laheyn aduunkan misana aan sharaf weyn ku dhex  laheyn dadka ku nool aduunka intiisa badan, taasoo micnaheedu yahay in aysan ka faa’iideysan dhaqaalaha ay heystaan oo ay ku xiran yihiin mushtamac ayaga la mid ah.

Inkasta oo is bahaysigaas carabtu uu yahay mid aan dhaqaalaha ka wada sineyn, haddana ma jirto, qaab iskaashi oo ay ugu hortagaan barnaamijka tijaabada Hubka dowadaha reer galbeedka ay la soo aadaan dadka Islaamka ah, taasoo sal u ah, qaabka dhismeedka xukuumadaha oo ah mid ku saleysan is adoonsi ama awood kursi ku heysasho, ayna dib ugu laabteen, halkii Carab markeedii hore ay joogtay mudo ka badan 1800 oo sano.

Xaabinta dadka Qaxooyiga ah ee la geynayo dalalka reer galbeedka iyo barakinta dadkaasi, in ay dhulkooda ka soo barakacaan, waxaa sal u ah siyaasadaha reer galbeedka ee dhaqaala doonka ah, taasoo lagu raadinayo Qoriga caaradiisa, ayna kaga hortagayaan, is fahamka bulshada Caalamka ka dhaxeyn lahaa.

Q/M ayaa ka mid ah meelaha ay ku jajuuban yihiin dadka aan aadka u fakirin aduunka, ee laga ansixiyo xasuuqa ka dhacay aduunka oo dhan, iyo waliba ha’adaha lagu sheegay in ay ilaaliyaan xuquuqda Aadmiga ee lagu kahsoomey, kuwaasoo tilaama wixii farta ay ugu fiiqaan dowladihii abuurtay ee aan ka tarjumeynin rabitaanka dadka ku nool dunida.

Marka laga hadlayo daryeelka Aadanaha waxaa la sheegaa, waxaan aduunka oo dhan u muuqan, waxaad arkeysaa ayadoo shucuubta aduunka lagu marin habaabinayo meel aysan waxba jirin, ayadoo waxyaalaha naxdinta leh, laga soo qaado waxyaalo iska caadi ah, dilka Joogtada ah ee ka dhacaya Falastiin, Afgaanistaan, Ciraaq, Jeejniya, iyo meelo kale oo aduunkan ka mid ah, iyo waliba hanjabaadaha loogeysanayo dowladdaha Isaamka ah.

Wali waxaa iska yar in reer galbeedku Tixgalinta ay u hayaan rabitaanka Mushtamaca Caalamka, waayo caga jugleynta lagu hayo Suuriya, iyo Iiraan, taakuleynta Milatari ee Israa’iil iyo Tijaabadii Hubka lagu tijaabiyey Lubnaan ayaa waxay tusaaleynaysaa, in dhibaatooyin iyo barakac iyo waliba abaaro ka dhacaan dunida oo dhan.

Taasi waxaa ka sii daran, Sunta haraaga ee nukliyeerka lagu aaso aduunka sadaxaad, taasoo ka dhigeysa aduunka meel xaaluf ah, ayna Cuduro iyo waliba waxyaalo kale oo aan horey loo arag ay ka dhacaan, sida Soomaaliya, oo dhamaan badeeda iyo barigeeduba lagu shubey, haraaga Nukliyeer-ka oo uu  Radio active ku dilaacay meelo badan oo ka mid ah soomaaliya, iyo waliba Suntii saameynta weyn ku yeelatay dal Every Coast caasimadiisa oo ay ku dhinteen dad badan, ayna halis ugu jiraan dad kale oo ay saameysay dadka ku nool caasimada dalkaasi Every Coast.

Dhamaan waxaasoo waxa hormuud ka ah, dowladdaha reer galbeedka oo ah Hooyada abuurta Baas-ka iyo Balaayada, Xasuuqa, Abaaraha, Barakaca, xaalufka, iyo dhamaan, waxkasta oo ka dhacay Dunida inteeda badan, ee ay doonayaan in ay ku qasbaan siyaasadooda gurancan, oo ay u fuliyaan dad ay ayagu taba bareen, oo safiiro uga ah, in ay u maamulaan, ayagoo jirka luuqada iyo dhalosho ahaan kala siman mushtamaca ay ka dhasheen, laakiin maskaxdoodu ku tolan tahay, meelo kale oo aan ku habooneyn shacabka ay maamulaan, kuna qasba wixii loo soo meeriyo.






FAALLO

SUUGAAN